Aakhiro waxaa la sheegay in qofka Ahlujannada ah uu awood u yeelanayo inuu helo wax kasta oo niyadda ku soo dhaca. Wax kasta oo aad ku hamiso, isla markiiba hortaaday yaalaan! Waxaa iyagana Aakhiro aan run ahayn u qaab ekaaday Baraha Bulshada, oo qof walba nooca uu jeclaan lahaa inuu noqdo uu noqon karo asagoon weli noqon.
Haddii Aakhiro wax walba oo aad rabto ay kaaga xirnayd keliya in ay maskaxdaada ku soo dhacaan, Baraha Bulshada waxa ay kaaga xiran tahay in ay maskaxdaada ku soo dhacaan, ka dibna aad soo qorto. Waxaa laga yaabaa adiga oo sariirtaada jiifa, in aad soo qorto "walaalayaal jiifka ka kaca ee ha la shaqaysto si aad aniga oo kale nolosha horumar uga gaartaan". Tan yaabka lehse waa in qof kaloo farriintaas akhrinaya uu niyadda iska dhaho: "Allow kan camal iga dhig". Ilaahay wax aan jirin kaa dhigi maayee, adiga iska dhig– oo waaba tahaye–keliya soo qoro!
Xaaladahaan ka-been-sheega nolosha ah waxaa ku abuurmay nolol dhoodhoob ah "fabricated life", taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay in ay dadku u dadaalaan hiigsiga nololeed. Waxaa taas beddelay guuleystayaal fashilan "failed winners", kuwaas oo meelaha la ordaya shakhsiyado aad u nugul oo sida buufinta aaryo looga soo buuxiyay. Hal taabasho "click" oo aad calaamadda qosolka ah gacanta ku dhufato ayaa qofnimadaas aaryada ah u dillaacin karta sida ay cirbaddu u dillaaciso buufinta.
Waxaa samaysmay qof online ah iyo bulsho online ah. Waxaa laga soo wada guuray noloshii runta ahayd ee bannaanka ka jirtay, maadaama dadaalka iyo daalka halkaas yaalla laga wahsaday oo meel ka qabow wax laga helay. Sidaas darteed, waxaa la arkayaa dad tartamaya oo wax kasta ku tartamaya haddana aan wax ay ku tartamaan haysan. Waxaa la arkaa qof ay kun qof noloshiisa ka warramayso, iyo qof kun qofood noloshooda ka warramaya? Iyaga yaa asaga baray? Asagase yaa iyaga baray? Isma yaqaanaan, ismana aqoon waayin. Waa nolol iyo noolayaal wada online ah.
Arrimahaan daraasado badan ayaa laga sameeyay, waxaana loo tixgeliyay mushkilado xal u baahan. Waxyaabaha laga qoray, ee qof xaldoon ah uu xal ka heli karo waxaa ka mida:
1. Marka aad subaxdii soo toosto, halkii aad "my fanis sidee lagu soo toosay" soo qori lahayd, horta adiga isweyddii sida aad ku soo toostay. Naftaada warso haddii ay jiraan wax wal oo ay saaka gacan ku heyso. Is-dawayntaan waxaa la yiraa "Gratitude Practice", ama ka-mahad-naqidda nolosha. Waana hab fudud oo aad ku xoojin karto ruuxdaada, kuna dhisi karto isku-qanacsanaan & qaddarin nafeed "self-esteem" oo ah baadida ay dad badan subax kasta nolosha online-ka ah ka soo raadiyaan.
2. Qodobkan labaad asna waxaa lagu magacaabaa "Practice Affirmations"- ama is-qirashada qofeed. Wax badan oo ka mida dareennada aamin-darrada nafeed, waswaaska, walaaca, walaahowga waxa ay ka soo burqadaan maanka hoose ee qofka "subconscious". Si aad uga guuleysatana, waa in aad quudisaa maankaaga. Si kale haddii loo dhaho, waa in aad adiga isku kala-kicisaa oo isla adiga, like, comment iyo share offline ah iska bixisaa.
Cid kale ha sugine afkaaga ku ciil-bax, naftaadana ku dheh "Ustaadkeyga Allaha ku sharfo. Guuleyso aqoonyahan. Nacabku darbiyada ha jiiro. Hore u soco" iyo wixii lagaaga waali lahaa. Faa'iidada aad helayso waa in aad naftaada ka haqabtirto baahi ay beenaalayaashu kaaga waali lahaayeen. Adiga oo qancay, oo qof caadi ah, ayaad noolaanaysaa.
3. Qodobka ugu dambeeya waa in aad la xiriirtaa dadka saxda ah "Connect with the Real People". Ha u joojin cid kasta oo isku dayaysa in ay ku shaabadayso si ay kuugu qasabto inaad dadka yaacaaya la yaacdo. Ogow dadka ugu badan ee Baraha Bulshada lagula saaxiibo waa qaar ku soo caaynaya si aad ugu soo jeesto, ka dibna "maxaad ii caaysay" markaad tiraa; ku leh: "saaxiib barasha wanaagsan, magacayga LAFTA I SII aa la dhahaa. Aakhyaartu in ay is barato muhiim waaye".

Post a Comment