Waxaa daqiiqado kooban oo ay shirkada Meta qeyb kamid ah sida Facebook iyo Instagram hawada ka maqnaayeen ayaa dunida si aad ah looga dareemay.
Instagram iyo Facebook ayaa hoos u dhacay tobanaan kun oo isticmaaleyaal ah
Dadka isku dayaya in ay adeegsadaan Facebook ayaa isku arkay in laga xiray akoonadooda, halka muuqaalada Instagram-ka aysan si sax ah u soo galin qiyaas 45 daqiiqo ah.
Waxay saamaysay ciladan Dhamaan product-ga Meta Inkastoo WhatsApp ka naftiisa uu ka mid yahay Meta product hadana ma Aysan saamayn ciladan.
Lama hubo in ay dhacdadaan ay sabab u tahay weerar dhanka internet ka oo ay wajahayso meta .
Ma Jiro wali war sax ah oo kasoo baxay shirkadda meta oo ku saabsan 45 daqiiqo oo lawaayay adeegyadii Facebook & instegram.
Ma cadda inta ay le'eg tahay lacagta
ay Meta ku waaysay inta ay hawada ka maqnaayen adeegyada,
in kasta hada ka hor toddoba saacadood oo ay isticmaalayaashu sidaan oo kale isticmaali waayeen 3 sano ka hor .
Facebook waxaa lasoo bandhigay Qasaaro dhan qiyaastii $100 milyan (£ 78 milyan).
Adiga Facebook waad isaga dhex baqlaysaa lakin Waa lagu xisaaabtamaa in Ilbiriqsi ( second) uu hawada ka maqnaado Facebook.

Post a Comment