Top News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA KENYA.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo waraaqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee Kenya.

Muqdisho, Febaraayo 25, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna Mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




Iyadoo mudo ka badan 6 sano uu hareeyay khilaaf xiriirka labada dal ee soomaaliya iyo kenya dhawr jeerna uu burburay heshiisyo ay wada galeen labada dal ayaa hadana mudooyinkii dambe waxaa si tartiib tartiib ay usoo roonaanayay xiriirka labada dal ee dariska ah, iyadoo Somalia iyo kenya xiisadoodu ay kasoo bilaabatay murankii dacwadii badda ee ay somalia ku guulaysatay labo sano kahor.

Balse Soomaaliya ayaa markale xiisad taa ka adag kala kulmeysa dhigeeda Itoobiya.

Xaquuqda sawirada: Villa Somalia

Post a Comment

Previous Post Next Post