Top News

Gabar soomaali ah oo 7 sano oo xabsi ah lagu xukumay dalka ingriiska.

 Aamina Nuur, oo deggan  London ayay maxkamadda magaaladaas ku xukuntay xabsi 7 sano ah, sababta waxaa lagu sheegay in ay gabdheeda oo sedex sano jir ah ay ku sameysay gudniinka Fircooniga. 

Sida ay Maxkamaddu caddeysay 2006 ayuu falkan dhacay, gabadha la guday oo markaas ahayd 3 sano jir, ayaa kol dambe oo ay weynaatay sheekada uga sheekeysay macalinkeeda iskuulka, sababta ay u sheegtay waxay ku sheegtay in la dhibtooneyso xanuun joogta ah ! 

Aamina, oo falkan ku sameysay ayaa ku andacootay in iyada lafteedu ay gudniinkan soo martay, arrintanna ay ku qasabtay dhaqanka bulshadeeda oo ay markaas u arkeysay mid saxan balse hadda ay ka qoomameyneyso.

Si kastaba ha ahaatee 95% gabdhaha soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka soomaaliya ayaa loo gudaa gudniinka fircooniga ah taasi oo sababta inay ku dhibtoodaan qaangaarkooda kadib iyo waliba xilliga dhalmada.

Dhaqankan gudniinka fircooniga ah lama yaqaan halka uu uga yimid bulshada soomaaliyeed maadaama ay yihiin dhamaan dad islaam ah waliba sunni ah.

Adiga gabadhaada ma u gudi lahayd habkan? Qeybta faalada noogu reeb

Post a Comment

Previous Post Next Post