Top News

Deg Deg. DFS oo digniintii ugu dambeyse u dirtay hoggaanka Maamulka Somaliland.

DFS oo digniintii ugu dambeyse u dirtay hoggaanka Maamulka Somaliland oo lagu eedeyey in ay ka dambeeyaan carqaladeenta diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiye diyaarado isticmaalaye ama maraye hawada sare ee degaanada Gobolada Waqooyi.

War saxaafadeed ay soo saartay Hay’ada duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa u dhignaa sida tan:

WARSAXAFADEED

Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan Ich kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada wagooyiga Soomaaliya ce Somaliland, taas oo ay ku cargaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada

gobolada waqooyi ce Soomaaliya. Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruuda dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ah. Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala khadadka

dulmara geybo ka mid ah gobolada Waqooyi ce dalka.

lyadoo ay jiraan caqabadahan, dowladda Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin lagu xaquijinayo

bad-qabka duulimaadyada dulmara geybo ka mid ah gobolada waqooyi ce dalka, kuwaas oo kala ah:

  1. Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warsaxafadeed taarikhdu markay ahayd 13
    Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyced iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-gabka
    duulimaadka hawada Soomaaliya.
  2. Dowladda Soomaaliya mar walba waxay dignino u direysay maamulka gobolada waqooyiga
    Soomaaliya ce Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiycedyadaas.
  3. Dowladda Soomaaliya iyadoo tigelineysa shuruuda duulimaadka adduunka ayay soo saartay
    wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas oo lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay'adaha ay khusayso, laguna xaqiijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo
    amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeclanin carqaladahani addeegii duulista hawada.

Iyadoo ay jiraan digniinahan iyo taloobiyinka la gaaday ayay maamulka gobolada wagooyi ce

Somaliland

sii wadeen fal-dambiyeedyadan ka dhanka ah shuruueda duulimaadka caalamka.

Haddaba, iyadoo ay intaas jirto, dowladda Soomaaliyced waxay ka baaqsatay inay qaado talaabooyin kuwaan ka adag, iyadoo u tureysa shacabka Soomaaliyced ee deegaanadaas ku nool iyo ciddii kale ce istiemaasha addecga Duulista Rayidka.

Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladenta ay wadaan maamulka gobolada waqooyiga ce Somaliland ay ku jiraan gaemo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan.

Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan.

Haddaba, haddi ay sii socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ce lagu carqaladeynayo

Duulimaadyada Rayidka ah ce dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga

iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyced.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shareiga la tigsan doontaa cid walba 0o ku lug leh falalkan guracan.

Post a Comment

Previous Post Next Post